Puntland oo xukun dil ah ku fulisay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta

0

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku fulisay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland sida uu warbaahinta u sheegay Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Puntland C/kariin Xasan Firdhiye.

Sarkaalkaan la toogtay maanta oo Axad ah ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Ceydaruus Daahir Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland, kadib markii uu toogtay Sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidamada.

Ceydaruus ayaa loo qisaasay Sarkaal hore uu dilay, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Ex Labo Xidigle Cabdi Wali Farax Ismaaciil, kaasi oo dilkiisa dhacay 22-kii Bishii 5-aad ee sanadkaan.

Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Ceydaruus Daahir Maxamed, ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa sheegay xukunkan in uu waafaqsan yahay sharciga Islaamka, maadaama ay aheyd Qisaastii Marxuumka horay loo dilay.

Magaalada Garowe ayaa si weyn looga hadal hayaa xukunkaan dilka ah ee lagu fuliyay Sarkaalkan ka tirsanaa ciidamada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here