Qaab nuuce ah ayaa loo dilay Taliyihii Booliska Hiiraan?

0

Xilli shalay dagaal ka dhacay duleedka Magalada Baladweyne uu ku geeriyooday taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow ayaa waxaa Maanta bilaawday waxa sababay dilka taliyihii,iyada oo si kulul ay uga hadleen Madaxda sare ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Talihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan haatana ka mid ah Saraakiisha qeybta Baarista ee Booliska Gobolka Hiiraan Cali dhuux Cabdi Mahadale ayaa sheegay in xilliga la dilayay taliyaha uusan ku jirin wax dagaal ah,isla markaana gaarigiisa lagu rasaaseeyay.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay bilaabayaan baaris deg deg ah oo ku saabsan sida ay ku dhacday dilka taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow,xilli dagaal uu ka socday deegaanka Kalabeyr ee duleedka Magalada Baladweyne.