Qaar kamida ah shaqaalaha ku howlan dhisida Darbiga Kenya oo la Qarxiyay

0

Saraakiisa laamaha amaanka ee ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari kenya ayaa waxay ka hadleen weerar lagu dilay sadex sargaal oo ka mid ahaa shaqaalaha ku howlan dhisida darbiga ay kenya ku xirtay xadka somalia.

Gudoomiyaha ku xigeenka dhanka amniga ee bariga mandera Paul Kemei ayaa sheegay lala bartilmaamedsaday shaqaale ku howlanaa hagaajinta wadooyinka.

Xubnahan ayaa ku sii socday howlahooda shaqo waxaana gaariga ay wateen lala beegsaday qarax sida uu sheegay sargaalkan taasi oo keentay in sadex ruux ay ku geeriyoodaan.

Shaqaalaha kale ee ku dhaawacmay qaraxan ayaa waxaa la dhigay isbitaalka magaalada Mandera sida uu sheegay Mr Kemei.

Sargaalkan ayaa tibaaxay in qaraxan xilli hore ee saaka ay dagaal yahano ka tirsan ururka al shabab ku aaseen.