Qaramada Midoboobay oo Soomaaliya ka dalbatay in ay qabato doorasho “aan dib u dhac lahayn”

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan Washington DC ayaa la kulmay Wakiilka Joogtada ah ee Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay, Nicolas De Reviere.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto iyo in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyadoo si buuxda loo dhaqan gelinayo qorshaha kala -guurka iyo dib -u -habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Wakiilka Joogtada ah ee Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida in ay soo dhameystiraan hanaanka doorashada soo socota, oo u baahan in ay noqoto mid hufan.

Wakiilka oo qoraal soo dhigay bartiisa Twetter-ka ayaa sheegay in uu kala hadlay wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq “muhiimadda ay leedahay in lagu qabto doorashooyinka muddadii lagu heshiiyay iyo sidii mas’uuliyadaha amniga loogu wareejin lahaa Soomaaliya iyada oo si buuxda loo fulinayo qorshaha kala -guurka iyo dib -u –qaabaynta AMISOM”

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Danjiraha sida uu u garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in uu wakiilka joogtada ah Faransiiska ee Xarunta Qaramada Midoobay uu kala xaajooday “xasilloonida gobolka Geeska Afrika, muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo sharciga caalamiga ah iyo Qorshaha Kala -guurka Soomaaliya wixii ka dambeeya 2021 qorshayaasha amniga Soomaaliya”.

 

Waxaa isa soo taraya baaqyada ka imaanaya beesha caalamka ee ku aaddan in madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan doorashooyinka Soomaaliya sannadkan, Rooble iyo Farmaajana ay xaliyaan khilaafkooda.