Qaraxyo gilgilay magaalada Kabul

0

 

Qaraxyo xoogan ayaa gilgilay magaalada Kaabuul ee Caasimada dalka Afghnistaan waxaana ku dhintay ku dhawaad 24 qof sida ay sheegeen ilaha amniga magaalada Kaabuul.

Wararka ayaa sheegaya in qarax lagu soo xiray baabuur lala beegsaday hoteel ku yaalla woqooyi galbeed Kaabuul, kaddibna rag hubeysan ay weerar ku qaadeen hoteelkaasi.

Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah ee dalkaasi ay la tacaalayaan xaaladda.

Kal hore, ururka Taalibaan ayaa sheegtay mas’uuliyadda labo qarax oo ka dhacay meel mashquul badan oo ka tirsan magaaladaasi.

Dhowr askari oo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa lagu dilay meel u dhow wasaaradda gaashaandhigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here