Qiimeynta Dadka ugu Farxadda Badan iyo Halka ay Dunida uga Noolyihiin

0

Fiilaaan ayaa kaalinta ugu horeeysa ka gashay wadamada dadkoodu ugu farxadda badan yihiin dunidan.

Warbixinta farxadda dunida oo la daabacay arbacadan ayaa lagu baahay wadamada ugu horeeyay xagga farxadda ee caalamkan,iyada oo la eegayo heerka farxadda dadkooda,oo sal looga dhigay iscaawinaadooda bulsho,musuqa ka jira iyo filashada noloshooda.

Markii ugu horeesay warbixintan sanadlaha ah waxaa lagu soo daray dadka muhaajiriinta ah ee ku nool qaar ka mid ah 156ka dale ee sahanka lagu sameeyay.

Natiijada warbixinta oo la shaacinayo tan iyo sanadkii 2012-kii ayaa waxaa sanadka kaalinta labaad galay wadanka Noorweey ee dariska la ah Filand oo kaalinta koowaad fadhisa.

Tobanka wadanka ee ugu horeeya waxaa ku jira Denmark, Iceland, Switzerland, Netherlands, Canada, New Zealand, Sweden and Australia.

Mareykanka oo markiisii hore taagnaa kaalinta 14aad ayaa hadda galay kaalinka 18aad.