QM oo Dowladda iyo Mucaaradka ku eedaysay Falal Gabood fal

0

Hey,ada Jimciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa ku eedeysay Dowlada Sudanta Koonfureed iyo Mucaaradka Dalkaasi Dilal iyo Xadgudub Ka Dhan ah Xuquuqda aadanaha oo Loo Geystay Dadka rayidka ah ee ku nool dalkaasi.

Qaramada midoobay ayaa waxaa ay si gaar ah u soo qaadatay in tacadiga bani aadnimo ee ka dhanka ah dadka rayidka gaar ahaan haweenka caruurta iyo dadka da,da ah uu sii kordhay sanadaan.

Warbixin si wadajir ah ay u soo saareen Hey,ada xaquuqda aadanaha iyo laanta qaramada midoobay talaadaadii shalay aya waxaa ay sheegeen in 232 ruux oo rayid ah la dilay halka tiro intaasi ka badan ay dhaawacmeen iyadoo tacadiyaadn ay dhaceen bishii intii u dhaxeysay 16-April ilaa iyo 24-kii bishii May ee sanadan 2018-ka.

Gabood Faladaan ayaa Yimid kadib markii ciidamada suudaan ta koonfureed ay 40 tuulo oo ku yaal degaanada Mayendit iyo Leer oo mucaaradka ku xoogan yihiin ay iska hor imaadyo ku dhaxmareen.

Arimahaan ayaa waxaa ay qaramada midoobay ku sheegtay mid ka hor imaaneyso in dadka rayidka ay helaan xaqa ay u leeyihiin in la dhowro waxaana Mas,uuliyada Ficiladaan Dusha looga tuuray Dhinacyada Dirirtu Dhexmartay.

Madaxa Hey,ada Xuquuqda aadanaha ee Wadanka Sudanta Koonfureed Mr Zeid Ra’ad al-Hussein ayaa ka dalbaday Dowlada sudaan in ay dhowrto xuquuqda dadka shacabka ah oo ay Mas,uuliyadi Ka saaran tahay.

Warbixinta oo dheereyd ayaa sidoo kale lagu sheegay in 120 dumar ah ay kooxo burcad ah ay kufsadeen iyadoo mid ka mid ah haweenkaasi iyada oo ku jirta xiligii dhalmada dhiigna ka qubanayo La Fara Xumeeyay.

Afduubka loo geystay haweenka ayaa isna qeyb ka ah gabood falada ka jira dalkaas,waxaana la afduubtay 132 dumar ah oo loogu tagay degaanadii ay ku sugnaayeen.

Ugu Danbeyn Warbixintaan ayaa Waxaa Lagu soo koobay in ay Hey,adu Heyso Sadex ruux oo Mas,uul ka ahaa Xadgudubyadii ugu danbeeyay ee ka dhanka ahaa Xuquuqda aadanaha ee sanadan ka Dhacay Sudan ta Koonfureed.

Warbixintaan ayaa waxaa ay imaaneysaa iyadoo hogaamiyaha Mucaaradka Koonfurta sudan Mr Machar uu Gaashaanka u daruuray Heshiiskii Mucaaradka iyo Dowlada ku kala saxiixdeen Wadanka Uganda.

Mr Machar ayaa waxaa uu sheegay in uu rabin kaliya Jago Magac u yaal ah oo ka helo dowlada sudan balse uu doonayo ka mucaarad ahaan in ay wada qeybsadaan dowlada Xubnaha Fulinta iyo Golaha Barlamaanka Dalkaasi.