QM oo ka carootay Muhaajiriin Soomaaliya oo lagu daadiyay Xeebaha Yemen

0

Xoghayaha Guud ee Qaramad Midoobay, António Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay muhaajiriin Soomaaliyeed oo lagu daadiyay xeebaha Dalka Yemen.

Xoghaye António Guterres ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dhacdaasi waxaana uu shaaca ka qaaday in muhiim ay tahay in la qaado talaabo wax looga qabanayo falalka waxuushinimo oo ay geystaan Kooxaha wax-tahriibiya.

Waxuu sheegay in loo baahan yahay waddo la isku haleyn karo oo Muhaajiriinta meel waliba ay joogaan ay mari karaan balse wax laga argagaxo ayuu ku tilmaamay Xogahayaha dhacdadii ugu dambeysay ee ka dhacday Xeebaha Dalka Yemen.

Hay’adda dhanka socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM) ayaa shaacisay in meydad badan laga soo saaray biyaha Dalka Yemen, waxaana sidoo kale ay intaasi ku dartay in 50 kale oo ay ku jiraan Soomaali weli la la’yahay.

Sikastaba, dhawaan ayee aheyd markii Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weerar dhanka cirka ahaa oo lagu laayay muhaajiriin Soomaaliyeed oo ku sugnaa Xeebaha Dalka Yemen.