QM oo Shirka London ku tilmaamtay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya

0

Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Michel Keating ayaa wuxuu rao wanagsan ka muujiyay Shirweynaha Caalamiga ee bisha soo socoto ee My 11-da ka dhici doona magaalladda London, kaasi oo looga hadlayo Ajendaha Ammaanka iyo Horumarinta Soomaaliya.

 

Shira London ayuu tilmaamay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay, si loo hubiyo Shirka Caalamiga ee Heerka Sare ee lagu taageerayo Soomaaliya ee Xilligan muhiimka ee Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda iyo Xilliga Kala-guurka ee Dhaqaalaha.

 

Qoddobadda looga hadlayo Shirka London ayuuuu tilmaamay inay ka mid yihiin Ammaanka, Taageeradda Abaaraha iyo Dib-u-soo-kabashadda Dhaqaalaha iyo Mudnaanta Qoddobadda Siyaasadda oo ay ku jirto Dib-u-eegista Dastuurka iyo Horumarka Dimuqraadiyeynta si loo gaaro Doorashadda Hal Qof iyo Hal Cod sannadka 2020-ka.

 

Wuxuu sheeciyay inuu Shirka London muhiimad ballaran u yahay Xoojinta Iskaashiga Wada-shaqeynta ee Somalia iyo Beesha Caalamka iyo in la wadaago muhiimadda sannooyinka soo socda ee dadka Soomaalida looga taageeri karo Mustaqbalka ay doonayaan.

 

Qoraalka ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa yimid kadib Shir ay ka qeyb galeen Saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ka dhacay shalay xarunta xalane ee magaalada Muqdisho kuwaas oo  isla wadaageen muhiimadda Siyaasadooda iyo inay ka xaajoodaan Ajendayaasha asaaska u noqon kara Iskaashiga heerka sare ee Heshiiska ay magaalladda London ku kala saxiixan doonaan Soomaaliya  iyo Saaxiibadooda Caalamiga.

 

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia 

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here