Qorshaha Ethiopia ee Dakadaha Somalia iyo Hugaanka Jilicsan ee Xiligan

0

Ethiopia waxa noqotay dowladii ugu horeysay caalamka ee iyadoon badd lahayn sameysatay maraakiib iyo ciidamo badeed waxaana sida muuqata ay leeyihiin damac ah biyaha somalia.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii erataria ay ku dhawaaqday iney ka go day ethiopia inteeda kale hamiga xabashida ee dekadaha somalia aad ayuu u xoogeystay waxa ayna waday marwalbo qorshihii ay uga faaiideysan lahaayeen dalka dariska la ahay ee dayaca xoogan uu ka jiro.

Hugaamiyaasha somalida oo iyagu aysanba umuuqan qatartan ayaa markaste ku mashquulsan khilaafaadka dhexdooda waxaana taasi ay guul utahay dowlada ethiopia

Isbadalkii dhinaca hugaanka ee sanadkan ka dhacay dalka ethiopia waa mid qatar weyn ku ah dalka waaayo waxa uu durbadii RW abiy ahmed qaaday talaabooyinkii waligeed ehiopia ku hamin jirtay ee ahayd in mar uun ay helaan dekadaha dayacan ee somalia.

Dadbadan ayaa isweydiina sababta isku soo aadisan safarkii rw kheyre dhawaan ku tagay magaaalada Addisababa iyo dhismaha ciidamada badda ee ethiopia waxaana jirta cabsi laga qabo heshiisyo daaha gadaashiisa ah kuwaas oo ethiopia u ogolaanaya markii ugu horeysay ineysameysato ciidamo iyo maraakiib dhinaca badda ah.