QORSHE CUSUB: Ciidamada Kenya Maxay ka wadeen Calanka Madoow ee ay la Tageen Ceelwaaq?

0

Ciidamada Meletariga Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal xooggan waxay Gelinkii hore ee Shalay Dagaal xooggan kula Galeen demada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Dagaalka ayaa dhacay markii ay ciidamada Kenya oo wata 3 gaari oo uu ka babanayo Calanka Madoow ay gudaha u galeen degmadaas, isla markaana ay ciidamada dowladdu u arkeen in ay yihiin Shabaab.

Is rasaaseyn keddib ayaa la ogaaday in ciidamada dagaallamaya ay yihiin kuwa dowladda iyo kuwa Kenya, in kastoo dagaalka ay ciidamada Kenya ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Meletariga Soomaaliya.

Haddaba Dagaalkaas ayaa la ogaaday in uu u dhacay sabab yaab leh Awgeed, Ciidamada Kenya ayaa Baqdin ay Al-shabaab in ay jidka u galaan Awgeed u xirtay Calanka Madoow, si ay weerar uga yimaada Shabaab uga nabad galaan inta ay ku safrayeen Gedo.

Dagaalka Shabaab iyo Ciidanka Kenya ayey tani u yeeleeysaa Weji kale, iyadoo ay Ciidanka Kenya si ay uga nabad galaan Shabaab ay u qaadanayaan Maro aan laga aqoon calankooda.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Ceelwaaq ayaa sheegaya in aysan Kenya uga aamusi doonin weerarkaas oo lagu dilay Gaashaanle dhexe Ilka Case oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka ku sugan degmadaas.