Qorshe lagu ciribtirayo Shabaab oo ka bilowday Sh/Hoose

0

Waxaa si aad ah Gobolka Shabeellaha hoose looga dareemayaa dhaq dhaqaaq Ciidan oo ku wajahan sidii Xarakada Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyada ugu badan haatan laga dareemayo xerooyinka ay ciidamada Milateriga Sooamaliya ku sugan yihiin ee kala ah Laanta Buuro, Nambar Konton iyo Ballidoogle.

Dhaq dhaqaaqyadaan ayaa waxa ay dabajoogaan hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay Arbacadii la soo dhaafay iyo sidoo kale hadal shalay Gelinkii dambe uu u jeediyay ciidamo ku sugnaa Xerada tababarka Jaziira basle markii dambe u dhaqaaqay dhanka Shabeellaha dhexe.

Guluf Colaadeed aya haatan laga daraamya Shabeellaha hoose,waxaana Maalma ka hor Ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanada Sabiib, Caanoole iyo deegaano kale.

Dadka ku dhaqan Gobolka Shabeellaha hoose ayaa hadda waxaa la soo deristay cabsi ku aadan iney saameyn ku yeelato gulufka Colaadeed ee hadda bilowga ah.