Qoxooti Soomaaliyeed oo Jebiyay amar kasoo baxay Donald Trump

0

Qoxooti Soomaaliyeed ayaa ka dhega fureystay Amar kasoo baxay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, kaasoo dalal ay Soomaaliya ka mid tahay sheegay in aysan dadkoodu geli Karin dalkiisa.

Soomaali aad u badan ayaa Labadii bilood ee lasoo dhaafay ku qulqulayay Mareykanka, kuwaas oo sida Tahriibka oo kale Badaha Mareykanka kasoo gelayay.

Ilaa 280 qof wax ka badan ayaa labadaas Bilood galay Mareykanka, kuwaas oo sidaas ku jebiyay Amarkii kasoo Baxay Trump.

Sida laga soo xigtay Xogta Diiwaan-gelinta ee Xaruunta Socodsiinta Hawlaha Qaxootiga ee Maraykanka, waxay muujinaysaa in Qaxootiga Soomaalida ee gaaray Mareykanka ay yihiin 280 qof.

58 ka mid ah dadkaasi waxay u socdeen Gobalka Minnesota oo ay ku nool yihiin qiyaastii 100,000 oo Qaxooti Soomaali ah.

Sidoo kale, 29 Qaxooti Soomaali ayaa gaaray Gobalka Kolaraado, 18 kale ayaa gaaray Gobalka Ohaayo, halka 15 kalena tageen Gobalka Misuuri.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay inay 14 tageen Gobalka Indiyaana, 13 kalena GobalkaWISKONSIN, 11-kalena Gobalka NEBRASKA.