R.W Khayre oo dib ugu soo laabtay dalka

0

Ra”iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane, Xasan Cali Kheyr, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, markii booqasho rasmi ah uu laba cisho ka hor ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Sacuudiga waxay kulamo la qaateen Boqorka dalkaasi, Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugahiisa Maxamed Bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee Labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha ganacsiga , fursadaha maal-gashi ee dalka ka jira iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Mudane Kheyre ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu soo booqday xaramka barakaysan, isaga oo halkaasi ku soo cumraystay, una soo duceeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.