Rag Hubeysan oo lagu qabtay Shabeellaha Dhexe

0

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxay ciidamada dowladdu halkaas ku qabteen kooxo hubeysan.

Maamulka Degmada ayaa sheegaya in kooxdaas Baaritaan lagu hayo, isla markaana ay tuhmayaan in ay yihiin Shabaab.

Guddoomiyaha Mahadaay Cabdullaahi Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay soo qaqabteen 6 qofood oo iyo Hub ay heysteen, waxaana uu ballan qaaday in ay sharciga horgeyn doonaan baaritaanka hadda socda keddib.

Maamulka Mahadaay ayaa dhowaan waxay Qabsadeen Hub ay lahaayeen Al-shabaab sida uu sheegay Guddoomiyaha degmadaas, iyadoo Shabaab aysan wax war ah kasoo saarin Arrintaas.