Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn oo isugu yeeray Madaxda IGAD.

0

Hailemariam Desalegn Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Dhamaan madaxda Wadamada urur Gobaleedka IGAD waxaana la filayaa in ay isugu yimaadaaan Magaalada Adis-Ababa ee Xarunta Ethiopia.

Warqad uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya u qoray Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayuu ku sheegay in wali uu sii socdo dagaalada iyo rabashadaha ka jira dalkaas, iyadoo ay jireen xabad joojin horay loo gaaray.

Hailemariam Desalegn oo ah Madaxa Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro xaalada ka jirta Koofurta Sudan, isla markaana Madaxda Gobolka ay ku hadlaan cod mideysan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay xaalada bani’aadanimo ee xilligan ka jira Suudaanta Koofureed, iyadoo ay sii socdaan rabshadaha iyo dagaalada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.

Sidoo kale madaxda wadamada Urur Gobaledka IGAD ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda Koofurta Suudaan oo ay ka jirto dhibaatooyin Badan.