Real Madrid oo dalab gaarsiisay Nicolas Otamendi si uu beddel ugu noqdo Pepe

0

Difaaca dhexe ee dalka Argentine ayaa u dhaqaaqay horyaalka England Sanadkii 2015 balse waxaa muuqata in uu ku laaban doono dalka Spain.

Warar ayaa sheegaya in kooxda Caasimadda ee Madrid ay dooneyso laacibkan, kaasoo beddeli doona difaaca reer Portugal Pepe oo sanadkan bartamihiisa kooxda ka tegi kara.

Ninka xulkiisa Portuguese-ka kula guuleystay Euro 2016 ayaa sheegay in uusan waqti badan ka xigin aadista horyaalka China macallin Zinedine Zidane ayaana baahi muuqata u qaba beddelkiisa.

Da’yarka kooxda Jesus Vallejo ayaa kasoo laaban doona amaah uu ugu maqanyahay kooxda Eintracht Frankfurt halka sidoo kale xiddigo badan oo kale ay kooxdu dib u heleyso.

Balse Joornaalka AS ayaa yiri Real Madrid waxay dooneysaa Otamendi in ay geyso Bernabeu si ay ugu kabto difaaca waaya aragga ah ee Sergio Ramos iyo Raphael Varane oo dhallinyaro si fiican usoo baxay ah.

Laacibka dalka Argentine ayaa loo oggolaan doonaa in uu ka tago City waxaana sidaas sameyn kara Pep Guardiola oo laacibkan saf joogto ah uga waayay Etihad.

Otamendi ayaa ka yimid Valencia waxaana laga filayay in uu bandhig fiican ka sameyn karo horyaalka EPL in kastoo ay muuqato in uu fashil kala laaban doono horyaalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here