Rooney, Jones iyo Carrick oo seegay Tababarka Man Utd ka hor kulanka Caawa

by admin | Thursday, Feb 16, 2017

Wayne Rooney, Phil Jones iyo Michael Carrick ayaa dhammaantood seegay tababarkii Manchester United ee Arbacada, kaasoo kooxdu isugu diyaarineysay ciyaarta Khamiista ay la qaadaneyso Saint-Etienne  ee Europa League.

Kulankaas ayaa ka tirsan wareegga 32-da kooxood wuxuuna ka dhici doonaa Old Trafford sababtii ay tababarka kooxda ku seegeen lama garanayo, balse sidoo kale lama xaqiijin karo in aysan imaan doonin safka macallin Jose Mourinho.

Jones safka kooxda kama uusan mid aheyn ciyaartii 2-0 ay uga badisay kooxdiisu dhiggeeda Watford sababtuna waxay aheyd dhaawac kasoo gaaray kulankii 0-0 ay la dhaafi waayeen Hull City 11 maalin ka hor.

Waxaa laga saaray safka kooxda, kulankii Hornets waxaana dheelayay Eric Bailly iyo Chris Smalling oo difaaca dhexe ah kuwaas oo sii wadan doona safashadooda, waxaa sidoo kale fursad heli doona Marcos Rojo oo tababarka soo gelay.

Rooney iyo Carrick ayaa keydka fariisan doona oo aan kasoo muuqan doonin xataa beddel, Ander Herrera iyo Paul Pogba ayaana lagu lammaani doonaa Juan Mata, Henrikh Mkhitaryan iyo Anthony Martial oo caawin doona Zlatan Ibrahimovic oo weerarka istaagi doona.

Keddib soo dhoweyntooda Saint-Etienne ee Manchester Khamiista, Red Devils ayaa u safri doonta dalka France Toddobaadka dambe, waxay sidoo kale ciyaareysaa FA Cup ciyaar ay la qaadaneyso Blackburn Rovers.

Saint-Etienne ayaa heysata walaalka ka weyn Pogba ee Florentin waxaana safka kula jira 3 ciyaartoy oo horay uga soo ciyaaray Premier League kuwaas oo kala ah Kevin Theophile-Catherine, Henri Saivet iyo Jordan Veretout.

Waxayna hadda kaalinta 5-aad ka fadhiyaan horyaalka Ligue 1, iyagoo 19 ka hooseeya hoggaamiyeyaasha Monaco, waxayna soo badiyeen ciyaarihii Guruubka ee Anderlecht, Mainz iyo Gabala si ay halkan usoo gaaraan.

Like it? Share it!

Leave A Response