RW Kheyre oo ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Turkiga

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyay safar rasmi ah oo uu maalinta berri ku tagi lahaa dalka Turkiga, maalin kaddib qarax dad badan ku dhamaadeen oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu baajiyay safarkiisa, sababo la xiriira musiibadii qaran ee dalka ka dhacday.

“Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ka baaqday booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa Turkiga, halkaasoo uu kula soo kulmi lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa taleefanka kula hadlay Madaxda Turkiga, isagoo u sheegay inuu baajiyay safarkiisa, waxaana berri lagu waday inuu Muqdisho ka raaco Diyaaradda Turkish Airlines

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku amray Golihiisa Wasiirada inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobayo musiibadii shalay ka dhacday Muqdisho.

Waxaa uu magacaabay Guddiga isku xirka doona gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii shalay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in adeeg caafimaad oo dibadda ah loo qaadi doono dadka dhaawacyadooda aan waxba looga qaban karin dalka.

Tirada rasmig ee dhimashada qaraxii shalay ayaa la heyn, hase ahaatee dadka ayaa ku qiyaasaya inay boqol ka badan karto, maadaama goobta ay wax ka dhaceen aheyd meel mashquul badan oo socodka iyo ganacsigaba ku badnaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta baroor diiq qaran oo socon doonta saddex maalmood, iyadoo Calanka Soomaaliya hoos loo dhigay.