R/Wasaare ku xigeenka “Beesha Caalamka waa in ay kaalmo ka geystaan Doorashooyinka”

0

 

Maxamed Cumar Carte Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka horumarinta iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Waxaana uu Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu ka warbixiyay halka ay marayaan qorshayaasha horumarineed ee ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Wasiirada dowladda ee xubinta ka ah SDRF, Mas’uuliyin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, xubno ka socday maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, koonfur Galbeed iyo Banaadir waxa kale oo goob joog ahaa wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo wakiilada dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka horumarka.

Shirka oo ah mid bile ah, oo bishiiba mar la qabto ayaa diiradda lagu saaray waxyaabaha u qabsomay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ee dhinacyada amniga, horumarka iyo adeegyada guud ee bulshada, iyadoo mas’uuliyiintii ka socday maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir ay madasha ku soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay.

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa hoosta uga xariiqay in dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsaday horumar dhinacyo badan leh.

Maxamed Cumar Carte ayaa xusay in horumar laga gaaray dhanka dib u eegista dastuurka oo uu marayo heer gabo gabo ah, waxaana uu intaa ku daray in sameynta Maamulada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu si habsime leh ku socda, uuna rajo weyn ka muujiyay in lagu guuleysan doono.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar dhanka xuquuqda insaanka iyo sameynta sharciga ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah jinsiga, isagoo intaa raaciyay in bilaha socda ay dalka ka dhici doonto doorashooyin, Beesha Caalamkana looga baahanyahay inay kaalmo ka geysato.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in hanaanka doorashooyinka uu meel wanaagsan marayo, isagoo Baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here