Sababta Michail Antonio Uu Ugu Yeeray? Booska Uu Ka Ciyaari Doono Rooney? Waqtiga Uu Magcaabayo Kabtankiisa Cusub? Mustaqbalka Rashford? Dhawacyada Xulkiisa Iyo Wax Walba Oo Aad Kaga bahan Tahay Shirkii Jaraa’id Ee Sam Allardyce

0

Subax wanaagsan! Ayuu ku bilaabay macalin Sam Allardyce oo soo fariistay saxaafada isagoo qoslaya, waxaana ugu horeyn uu saxaafada u sharaxay magacaabista kooxdiisa ugu horeysay ee England.

Haa waa ciyaaraha caalamiga ah diyaar garowgeena ’England waxay dooneysaa in ay si wanaagsan kaga soo muuqato kulamada isreebreebka koobka adduunka ee 2018,

Waxaa aan wajihi doonaa xulka Slovakia Axada, Sam oo sharxaya kulankaasi muhiimadiis ayaa yiri waxaan wax badan ka fikirnay muhiimada ciyaartooyda waana sababta aan wajiyo cusub ugu yeeray.

Waxaan u yeeray Michail Antonio waxaan ku bedelay Ross Barkley, waxaana rajeynayaa inuu muujin doono masuuliyad weyn oo xulka ku guuleysto ayuu yiri Sam.

Tababaraha England Sam Allardyce ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay sababta uu ugu yeeray xiddiga West Ham Michail Antoni, waxaana uu yiri “Waxaan ogaaday inuu yahay ciyaaryahan sare oo u qalma wax walba, qofkasta waxa uu leeyahay soo jeedin iyo dareen, waxa uu sameeyay xiddigan soo sooiidasho badan waan ku faraxsanahay in aan kusoo daro xulkeg ayuu yiri.

Michail Antonio ayaa ka yimid Jamaica kaliya bishii March halkasoo oo ah dalka asal ahaan uu kasoo jeedo, lakiin wuxuu helay fursad lama filaan ah oo uu ugu ciyaaro xulka England. ”

 

Xulka ayaa maanta isgu imaan doona St Georges Park,Sam Allardyce ayaana la filayaa in uu sii kala xusho ciyaartooyda joogtada ah ee xulka matali mdoona iyo kuwo keydka noqon doona.

Allardyce ayaa sidookale ka hadlay in Barkley uu ka saaray xulkisa, taas waxa ay ii aheyd go’aan murugo leh,laakiin albaabka mar walba wuu u furan yahay ,waxaan qiimeyn doonaa tan iyo xilli ciyaareedka cusub iyo sida uu ku bilowdo, waa uu heli doonaa fursado kale ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidookale mar uu ka hadlay macalinkaan dhawacyada xulkiisa waxaa uu yiri,

Waxaan la hadli doonaa dhaqaatiirta si loo helo dheelitirka xulka ka hor ciyaarta ugu horeysa,

Waxaan hadda ka walwalsanahay dhaawaca Eric Dier iyo Kyle Walker sidookale John Stokes dhamaan waan ogana doonaa haddii ay ciyaari karaa kulamada isreebreebka koobka adduunka2018.

Macalinka England ayaase su’aasha ugu weyn ee la weydiiyay waxa ay aheyd booska uu ciyarai doono Rooney weerarka-ama khadka dhexe?

Waxaan qabaa in booska Rooney ay hore u badashay Manchester United, taas ayaana ah meesha uu kasii ciyaari doono, dabcan waa doorka dhaxe ayuu yiri macalinka England.

Macalinka ayaa sidookale ku xaqiijiyay shirkiisa jaraa’id in maalinta Berri ah uu shaacin doono kabtankiisa cusub ee xulka hogaamin doona”

waayo-aragnimo la’aanta ciyaaraha caalamiga ah ayuu sheegay macalinka in loogu daray xulka U21 jirada weeraryahanka Manchester United Rashford, lakiin waxa uu kalsooni ka muujiyay in si dhaqso ah loogu yeeri doono xulka waaweyn ee isku diyaarinaya koobka adduunka 2018-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here