Sacuudiga oo Dowladda Somalia u qabtay 10 Cisho maxay tahay arintu?

0

Cabsi xoogan ayaa ka jirta in dadka Soomaalida ah ee dalka gudihiisa ku nool inay sanadkaan Xajka aadi doonaan. Khilaaf xoogan ayaa ka taagan tirada diyaaradaha ka dhex shaqeynaya Sacuudiga iyo Somalia, gaar ahaan arrimaha Xajka, sidoo kale waxaa dood ka taagan tahay dhanka qiimaha Xajka.

Dowlada Sacuudiga ayaa la sheegay iney mudo 10 cisho ah u qabatay Dowlada Somalia iney ku xaliso muranka ka taagan diyaaradaha, hadii lagu guul dareystana ay iyagu go’aan gaari doonaan.

Muranka arrintaan wuxuu shalay sababay in xilkii laga qaado wasiirkii Aw-qaafta iyo arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka ah, kaas oo bil ka hor loo magaacabay xilkaas. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya inuu is faham waa arintaan ku saabsan uu soo dhex galay wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada iyo mareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Sacuudigu waxey doonayaan in diyaaradaha Daalo iyo Jubba Airways oo qura ay ka shaqeeyan arrimaha Xajka sanadkaan, waxey ku doodayan inaan xiligaan laga gaarin in lagu biiriyo diyaarado kale oo ay gadaal ka riixayan shaqsiyaad madaxda sare ku dhow. Waxaa muuqata macangagnimo labbada dhinac ah taas oo sababi karta in xujeydu baaqato sanadkaan.

Dadka arrintaan aadka ula socda waxey sheegayaan in labbada dhinac ay sii kala fogaadeen, in siyaasiyiin xoogan ay labbada dhinac la kala safan-yihiin iyo in arrinta la qabiileeyay. Sidoo kale maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ayaa arintaas toos ugu lugleh iyagoo labbada dhinac la kala safan.

Dowlada Federaalka ah waxaa hortaala iney xal deg deg ah u hesho kiiskan, hadii kale waxaa dhici karta in Sacuudigu ka saaro Somalia liiska dalalka sanadkaan laga soo aadayo Xajka, sidoo kale Xujey badan ayaa ka walaacsan sida ay noqon doonto dhamaadka iyo natiijada arrintan.