Sacuudiga oo si xun ugu abaal guday DFS oo Shalay Taageertay iyo…

0

Sacuudiga ayaa talaabo ka dhan ah taageeradii ay u muujisay Dowlada Soomaaliya Shacabka Soomaiyeed, kadib markiiMarkab siday ku dhawaad 30 kun oo neef oo xoolo Soomaalida ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in laga soo celiyay dalka Sacuudiga.

Markabkan ayaa la sheegay inuu ku soo wajahan yahay dekeda Magaalada Bosaaso oo uu markii hore uu ka shiraacday, Sacuudiga oo horay u xayiray xoolaha Soomaalida ayaa sheegay inuu Xayiraadii ka qaaday xili dhow waxayna xoolahan la soo celiyey ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee ku dhoofa fasaxa ay dalkaasi ku ogolaadeen inay xoolaha Soomaalidu dalkooda la geyn karo.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili lagu guda jiro waqtigii acmaasha xajka oo uu Sacuudigu qaadi jiray Xoolaha Soomaaliya laga soo dhoofiyo xiligan oo kale .

Majirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka Sacuudiga iyo ganacsatadii xoolahan dhoofsatay.

Talaabadan ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli dowlada Somalia ay taageertay mowqifkii ay dowlada Sacuudigu xiriirka ugu jartay dowlada Canada oo khilaaf soo kala dhex galay, iyadoo talaabadan Sacuudigu ku soo celiyey xoolaha Soomaalida ay weji gabax ku tahay dowlada Somalia