Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka oo ka hadashay Dhalinyarada Dalkaasi ku xiran

0

Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa ka hadashay xaaladda dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran xabsiyadda dalkaasi, ka dib markii ay tahriib halkaasi ku galeen, loona diiday in la aqbalo codsigooda megangalyo doonka ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington, Axmed Ciise Cawad, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in 378 muhaajiriin Soomaali ah ay ku xiran yihiin dalka Mareykanka, waxa uuna safiirka beeniyay warar sheegayay in safaaraddu ay dowladda dalkaasi kula talisay in dhalinyaradaasi lagu celiyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Mareykanka u fadhiya Dhalinyarada ku xiran xabsiyada Mareykanka in ay isugu jiraan kuwa dambi ka galay Dalka iyo kuwo isa soo dhiibay.

Safiirka ayaa sheegay in Safaarada Soomaaliya ee Dalka Mareykanka ay wado dadaalo lagu sii deynayo dhalinyaradaas ku xiran xabsiyada Dalka Mareykanka.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u fara badan ayaa ku xiran xabsiyada ku yaalla Dalka Mareykanka, waxaana ay ka cabanayaan dhibaatooyin soo wajahay oo dhanka nolosha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here