Safiirka dalka Qatar ufadhiya dalka Suudaan ayaa kaalmo lacageed guddoonsiiyay dhaawacyadii qaraxii Zoobe

0

Safiirka dawlada Qatar ufadhiya dalka Suudaan mudane Raashid Al-Nucayni ayaa waxaa uu si joogta ah ula socdaa xaalada bukaanadii ku dhaawacmay qaraxi muqdisho 14-kii bishii Oktoober 2017-kii ee isgoyska Zoobe ka dhacay waxaana uu u fidiyaa taageero maaliyadeed ee ay u baahanyihiin, waxaana uu xog-ogaal u noqday xaaladooda caafimaad oo ay markasta ku sugunyihiin.

Daryeelkan iyo kawarqabkaan maaha mid lala yaabo, waayo waa mid kamid ah dhaqanka dawlada Qatar aadbayna u mahadsanyihiin dawladaha Qatar iyo dalka Suudaan taakulada iyo daryeelka ay lagarab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Dawlada Qatar ayaa marwalba lagarab taagan shacbiga Soomaaliyeed kaalmooyin isug jira taageero maaliyadeed ee u fidiyaan dhaawacyadii qaraxii Zoobe ee lageeyay dalka Suudaan iyo hay’adahooda samafalka oo si joogta ah wax ugu qabta shacbiga Soomaaliyeed