Salaamu Laahi Sanbaloolshe “Danyar iyo Dacasley Allaa u Maqan”

0
A general view shows a street which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar

“Taliye Tikidkaan waa kuu ku dhoofayaa ee Fadlan safarka ha iga baajin ee i siidaa”  sidaa waxaa ku Cataabey  Hooyo Soomaaliyeed oo dooneysa in ay Dhoofto  oo saakey Taagneyd Agagaarka isbitaal Banaadir ka dib markii ay ku timid Wadada oo Xiran   hadaba maxaa loogu jawaabey.

“ Islaan yahay Tikidka inta Jeex Jeexdid oo biya ku darsatid  Liq oo Caloosha geey “ inta gaarigii ka deg degtey iyada iyo Boorsadii ay wadatey ayey Lugta Furtey Boorshadiina Dhabarka u riday waxayna Habaar ku Tuurtey Ciidankii sidaan u galey.

Waxaa iyana Goobta soo istaagey Hooyo Xaamilo ah oo uu muuqdo Uurkeeda waxay damacdey in ay Gudubto si ay u gaarto Isbitaalkii ay u socotey hadaba maxaa loogu jawaabey iyadana “ Hooyo Amar uma qabo in aan ku sii daayo ee iska lugeey” Markiiba inta la garab galey ayey loo dhaqaajiyey Isbitaalkii ay u socotey waxayna Tiri “Danyar iyo Dacasley Allaa u maqan” waayo  qofkii Gaari  Bullet-Proof wata waa la sii deynayaa.

Waxaan soo xasuustey Qisadii Xujaaj Bin Yusuf oo dadka aad u dhibi jirey , maalinkii uu dhintey ayaa Waxaa Xukunkii qabsadey Wiilkiisa , dadka waxay islahaayeen waa ka reysan doontaan hase yeeshee maxaa Dhacay,Wiilkii  Aabhii waa uu ka Darnaadey waxayna Dadkii yiraahdeen “ Salaamulaahi Xujaaj”  Sow Sheekada uma eka “Salaamulaahi  Sanbaloolshe” Dadka waxay filayey in uu isbedel la yimaadaan  Taliyayaasha  magacaabey ee Nabad Sugid iyo Boolis “ Ka Daroo Dibi Dhal” hase yeeshee sow ma aha   mid Bulshada looga  sii darey.

Dadka qaar ayaa waxay leeyiin arintaan Jidadka  Xiran in ay tahay mid lagu Xumeynayo Madaxda Qaran waayo muddo Sadex Maalin ah ayaa Jidadka Xiran yihiin   weliba iyadoo Xiligu Kuleyl yahay.

A general view shows a street which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia’s capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel 00252615532494