Sanad Kadib Meeshii Ayey Taagantahay Aawey Barwaaqadii Lasoo Arkey?

0

Qaramada Midoobey iyo dalalka ugu muhiimsan ee ku jira golaha ammaanka waxaa ay walaac ka muujiyeen xiisadda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada! Xiisaddaas oo la sheegayo inay khatar ku tahay horumarka la gaarey, iyaga oo dhinacyada kala duwan ugu baaqay dib u heshiisiin!!

Waxaan soo xusuustay sanadkii hore September in Galmudug uu dhibkan oo kale heystay, Axmed Madoobe kulan ku baaqey, Xildhibaanno federaalka ahna ay dhexdhexaadin u tageen dhulkaas. Dowlad Goboleedyada waxaa ay markaas qabeen, welina qabaan in Villa Somalia ay u soo Jeedo burburintooda!!

Waxaa kale oo aan xusuustay khudbad uu Kheyre jeediyey October 12, 2017 isaga oo sheegay in uu dhammaaday waqtigii ay niyad jabi jireen madaxda Soomaaliyeed, isaga oo intaasi raaciyey inuu soo arkey dhul barwaaqo ah “Waxaa muhiim ah inaan qofna laga ogolaan dhaliil dalka lagu duminayo, inaan ogolaan dhaliil ulajeeddo gaar ah leh oo lagu fushanayo dano gaar ah, inaan ogolaan dhaliil la doonayo in lagu dumiyo iftiinka nolosha ee hadda inoo soo ifbaxay, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan Soomaaliya horey ayeey u socotaa, gadaalna u noqon meyso, waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed haddii aad horey u arki jirteen in la niyad jabo wey dhammaatay waqtigii la niyad jabi jiray, waxaan leeyahyay dadka Soomaaliyeed haddii ay jiri jirtay 27-kii sano ee lasoo dhaafay in markii is jiid-jiid yimaado madaxdu niyad jabaan, madaxda idiin hortaagan ma ahan kuwaas, haddii ay jirto qof Soomaaliyeed oo ka walwalsan maalmaa la qeylinayaa ama buuq siyaasadeedaa dhacaya, madaxda qolalkeedey ku laabaneysaa, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan idin la mari doonno illaa meesha ugu dambeysa aan tagi doonno, Soomaaliya waxay ku socotaa meel barwaaqo ah, annagaa u jeedna oo idiin soo aragnay dhulka barwaaqada ah ee aan u soconno..”.

By Abdi Aziiz Gurbiye