Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya oo $12m ugu deeqay ka hortagga Abaaraha

0

Sanduuqa hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya (SHF), oo ah sanduuqa deeq-bixiyeyaasha ayaa sheegay inay u qoondayn doonaan in ka badan $12.3 milyan si loo helo dadaalo looga hortagayo macaluusha 2018-ka si loo bilaabo waqtigeeda.

Miisaaniyaddan ayaa ah qayb ka mid ah qoondeynta SHF, waxayna taageeri doontaa 30 mashruuc oo ka hortag macaluul ah oo ku yaalla goobaha ugu xun ee ka dhacdo abaaraha Soomaaliya, Qoondeynta ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya inta badan Hay’adaha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn, kuwaasoo bixinaya (98 boqolkiiba lacagta), waxaana xusid mudan in ka hortagga macluushii 2017 dhacday ay ku baxday in ka badan $ 57 milyan.

In ka badan 37 boqolkiiba miisaaniyaddan ayaa si toos ah loogu direy Ha’adaha NGO-yada, iyadoo qayb ka ah ballan-qaadkii Shirkii Bani-aadamnimada Adduunka ee lagu taageerayay howlaha gargaarka.

“Dhaqaalahan waxaan ugu tala galnay jawaab-celinta ka hortagga macaluusha laga bilaabo 1-Janaayo 2018. Ku dhowaad saddex-meelood laba oo miisaaniyadeeda ayaa loo wajahayaa jawaab-celinta isdhexgalka ee dhinacyada kala duwan sida- bixinta cuntada, biyo nadiif ah iyo caafimaad nololeed , nafaqada iyo fayadhowrka iyo nadaafadda goobaha ay baahida weyni ka jirto, “ayuu yiri Peter de Clercq, oo ah Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya.”

Baahiyaha bani’aadamnimo ee ka jirta soomaaliya ayaa sii kordhaya, iyadoo qiyaastii 6.2 milyan oo qof oo ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo. In ka badan hal malyan oo qof ayaa ka barokacay guryahooda 2017, heerarka nafaqadarradu ayaana sii kordheysa, waxaa sidoo kale jira cuduro ay walaac badan  ka muujinayaan dadka sida Shuban Biyoodka, Daacuunka iyo Jadeecada.

Hay’addan SHF ayaa sanadii 2017-ii suurtogelisay inay caawiso dad badan oo xaalad adag ku jiray iyadoo kaashaneysa dowladaha Australia, Canada, Denmark iyo Switzerland.

Waxa ayna sidoo kale gacan ka heleysayaa SHF dowladaha Jarmalka, Sweden, Ingiriiska, Nederland, Norwey, Irland, Jamhuuriyadda Kuuriya, Azerbaijan, Sri Lanka iyo deeq bixiyayaal aan dawli ahayn, oo labanlaabay taageerada ay siinayaan Hay’adan SHF.