Saraakiil ka tirsan hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo tabobar u aaday Britain

0

Agaasimaha Hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaardaha Muqdisho ku sii sagootiyay Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya oo tababar loogu qaaday Dalka Ingariiska.

Agaasimaha Guud ee Hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya  Gaashaale Sare Maxamed Adam Jimcaale “ Koofi” ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta manta Muqdisho ka dhoofay inay si wanaagsan ga soo faa’iideystaan fursada ay helee ee Tababarka lagu siinayo

Saraakiisha tababarka u baxay ayaa lagu soo tababari doonaa Garoomada diyaaradaha dalka Ingariiska gaar ahaa garoomada London ,  Manchester, iyo Birmham.

Wadamada Dernmark , Norwey,  iyo Rwanda ayaa tababaro nuucan oo kale ah waxa ay horay u siiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaana uu dalka ingariiska qeyb ka noqonaa wadamada dalkooda ku soo tababaray saraakiil ka tirsan hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha .

Agaasime Koofi ayaa tan iyo markii lka Hey’adaan loo magacabay waday qorshayaal kala duwan oo uu is badal kaga sameynayo habkii ay Hey’adu u shaqeyn jirtay .

Xogdoonnews;

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here