Sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya oo lagu dilay Afgooye

0

Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegayaa in ay Sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya in ay ku dileen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dilka oo dhacay Xalay ay kooxdii geystay goobta ka baxsadeen iyadoo ciidanka dowladda oo gaaray halka dilka ka dhacay aysan ku guuleysan in ay gacanta kusoo dhigaan.

Ciidanka DFS ee ku sugan Afgooye ayaa waxay Saakay halkaas ka wadaan howlgal lagu raadinayo dad ka tirsan Al-shabaab, waxayna soo qaqabteen dhallinyaro badan oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Ururkaas.

Goobaha ay ciidanka Dowladdu ku suganyihiin ayaa lagu hayaa dhallinyaro badan oo ciidanka dowladdu ay soo qaqabteen, kuwaas oo baaritaanno iyo Su’aalo weydiin lagu hayo.