Sarkaal kasoo Goostay Shabaab oo lagu soo Bandhigay Buurhakaba

0

Ciidamada dowladda ee ku sugan Buurhakaba ayaa soo bandhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isu soo dhiibay maamulka degmadaas.

Sarkaalka Al-shabaab kasoo goostay ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Xasan, wuxuuna Shabaab la shaqeynayay ku dhowaad 7-sano sida uu isagu sheegay.

Wuxuu sheegay oo kale in is dhiibiddiisa ay ka dameysay keddib Khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Saraakiisha ugu sarreysa Shabaab, oo midba uu kan kale iska ilaalinayo.

Ibaraahim ayaa sheegay in Isagu uu dhowr mar ka badbaaday isku dayo lagu dili lahaa in kastoo uusan Sarkaal sare aheyn, haddana kala shaki xooggan oo Shabaab soo kala dhexgalay uu sababay in ay is dilaan dhexdooda, sida uu hadalka u dhigay.

Gobolka Baay waxaa aad ugu soo badanaya Shabaabka isu dhiibaya Ciidamada dowladda.