Sarkaal Sare oo Meletariga Soomaaliya looga dilay Ceelwaaq & Ciidanka DFS oo Jawaab bixinaya

0

Saraakiisha Meletariga dowladda ee ku sugan Ceelwaaq ayaa sheegaya in ay hadda qaadayaan tillaabo adag oo jawaab u ah weerar ay Ciidamada Kenya ku qaadeen Fariisin ay Meletariga dowladdu ku lahaayeen Degmadaas.

Sarkaal sare oo ahaa Gaashaanle Dhexe laguna magacaabo Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) ayaa ku geeriyooday Weerarka oo ay qaadeen Kenyan watay 3 gaari oo nuuca dagaalka ah isla markaana uu ku xirnaa Calan Madoow.

Ciidanka dowladda ayaa ka shakiyay Gaadiidka dagaal iyo Calanka ku xirnaa, waxayna isku dayeen in ay joojiyaan, si aysan magaalada ugu sii gudbin, balse dagaal adag ayey ka wajaheen, waxaana halkaas ku dhintay 3 Askari oo midkood uu ahaa Sarkaalka Ilka Case la yiraahdo.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in Kenya ay taas Jawaabteeda la kulmi doonto, isla markaana aan looga aamusi doonin, weerarka ay ku dileen Gaashaanle dhexe Ilka Case iyo Xubnaha Ciidanka ah ee dagaalka ku dhintay.