Sarkaal Sare oo Shabaab ka Goostay Iskana dhiibay Doolow

0

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa wuxuu ka goostay Ururkaas, wuxuuna Galabta Maqribnimadii iska dhiibay degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ninka is dhiibay ayaa wuxuu ka tirsanaa Waaxda Zakawaatka ee Shabaab, wuxuuna ka mid ahaa Madaxda ugu sarreysa Waaxdaas.

Wasiir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa wuxuu Bartiisa Facebook ku xaqiijiyay Arrintaas, wuxuuna sheegay in Ciidamada dowladda iyo maamulka Doolow ay Sarkaalkaas qaabileen.

Sarkaalka is dhiibay ayuu sheegay Wasiir Yariisow in uu ka faa’iideysanayay Fursaddii uu madaxweynaha dalka Fidiyay ee aheyd in Shabaab ciddii kasoo goosata la nabad gelin doono isla markaana ay u furantahay in uu dadkiisa wax la qeybsado.