Sarkaal Somali Mareykan ah oo lagu soo Oogay Kiiska in uu si ku talagal ah u Dilay Haweeney Caddaan ah

0

Sarkaal Somali Mareykan ak kana tirsanaa Booliska Dalka Mareynkanka ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira dil uu sanadkii hore u geystay Gabar Australian ah.

Maxamed Nuur oo ka mid ahaa Booliska Minneapolis, ayaa lagu soo oogay in uu dil u geystay Haweeneydaasi Bishii July 15-2017,isaga oo ku dhuftay Xabbad uu ka riday Baskoolad uu watay.

Baaritaan dheer kaddib Maxkamada Magaalada Minneapolis ayaa eedaha Maxamed Nuur ku wareejiyay Xeer ilaaliyaha Gobolka kaas oo sheegay in uu isaga go’aan ka gaarayo.

Labo Dmabi oo dil ah ayaa lagu soo oogay Maxamed Nuur,waxaana ay kala yihiin darajada 3aad iyo darajada 2aad ee dilka marka loo eego Dastuurka Mareykanka.

Dilka darada 3aad waxaa uu sheegayaa in qofkan uu si ku talagal ah dil u geystay islamarkaana meesha ka saaray qiimaha nafta Bani’adamka ay leedahay,waxaa uu muteysan karaa Xabsi gaaraya 20 Sano iyo Ganaax lacageed oo aad u badan.

Sidoo kale dilka darada 2aad ee Maxamed Nuur lagu heysto waxaa uu yahay in uu dayacay hubka ku jira Gacantiisa dilna ku geystay sidaga oo kala daadsan,waxaa uu muteysan karaan Xabsi 10 Sano ah iyo Lacag Ganaac ah oo gaareysa $20,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

Dacwadda Maxamed Nuur ayaa dhawaan ka billaabaneysa Minneapolis,waxaana Qareennada difaacaya u taalla in marka hore ay difaacaan Lacagta Damiinta ah ee Maxamed uu Banaanka ku sii joogi karo taas oo ay dowladda ku sheegtay $500,000 (Shan boqol oo kun),lacagtaas oo aad u badan ayey marka hore tahay in ay dhimaan kaddibna ay u galaan doodda inteeda kale.