Sarkaal Soomaali Mareykan ah oo Damaanad looga sii Daayay Xabsiga Minnesota

0

Maxkamadda Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa damiin ku siideysay Maxamed Nuur oo ah Sarkaal ka mid ah Booliska Mareykanka kaas oo bartamihii sanadkii hore dilay Gabar Australian ah.

Maxamed ayaa 15kii July 2017 dilay Haweeney 40 jir ah oo lagu magacaabi jiray Justine Ruszczyk Damond,taas oo u dhalatay Dalka Australia.

Siideyntiisa waxaa ay timid kaddib markii la bixiyay Lacag dhan $400,000 oo Damaanad ah,taas oo ay dowladda dalbatay.

Waxaa laga mamnuucay muddada uu damiinka banaanka ku joogo in uu ka dhoofo Dalka Mareykanka,waxaana Maxkamadda Magaaladu go’aamisay in kiiskiisa la isugu soo laabto 8dda Bisha May ee soo socota.

Maxamed ayaa lagu helay dambiga darajada 3aad iyo 2aad ee Mareykanka oo ah in uu dil geystay islamarkaana dayacay hubkii uu amniga ku sugayay,isaga oo aan ixtiraamin qiyamka nafta bani’adamka sida lagu sheegay gal dacwadeedkiisa.

Maxamed ayaa Maxkamadda ka hor hadlay si kooban isaga oo xaqiijinayay magaciisa,taariikhda dhalashadiisa iyo goobta uu degganyahay.

15kii July 2017 Damond ayaa u yeertay Booliska si ay ugu sheegtay fal kufsi ah oo lagula kacayay Haweeney meel ka dambeysa Gurigeeda,Maxamed waxaa uu ka mid ahaa booliskii falkaas ka jawaabayay ,waxaa uu Gaari uu daaqaddiisa furanyahay xabad uu ka ritay ku dhintay gabadha Australian-ka ah,iyada oo xilligaas qeyliyeysa ayeyna xaggooda u soo carartay.