SAWIRO: Diyaarada Turkish Airlines oo ay ku timid cillad deg deg ah

0

Cilad ayaa ku timid Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airline Xilli ay ka duushay Garoon ku yaalla gobolka Xeebta ah ee dalka Kenya.

Sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta Kenya diyaarada ay si kadis ah ugu degtay Garoonka Moi , waxaana markii hore ay ku wajahneyd Magaalada Istabul.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 121 qof oo rakaab ah iyo shaqaalaha diyaaradda.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in diyaaradda mid ka mid ah Mashiinadeeda ay gashay Shimbir.

Muddo ku dhow Saacad ayay ku dul wareegeysay Hawadda Magaalada Mombasa si loo dhameeyo Shidaalka ku jira diyaaradda.

Dhammaan waxaa badbaaday rakaabkii saarnaa diyaaradda, waxaana ciidamada Ammaanka ay sheegeen in hadda diyaaradda ay taallo Garoonka.