Sawiro: Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay shirka magaalooyinka Afrika ee ka furmay Roma AF

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo arrimaha magaalooyinka Afrika oo ka furmay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka socda Afrika, Maaamulada magaalooyin iyo Duq magaalooyinka wadamo ku yaala Afrika, Ururo, Hey’ado Caalami ah iyo Bulshada Rayidka magaalooyinka.

Guddoomiye Taabid ayaa waxaa shirkan ku wehliya Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Rome iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Angelino Alfano oo ka hadlay kobaca ay sameynayaan magaalooyinka Afrika, horumarada ka jira Qaaradda iyo arrimo kale.

Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa Khudbad ka jeediyey shirkan oo uu uga hadlay horumarka iyo is bedelka ka jira magaalada Muqdisho, muddo 27 sanno kaddib bur burkii.

Gudoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri:

” Waxaan maanta magaalada Rome – Italy uga qeybgalay shir caalami ah oo lagu casumay dhoor magaalo ee qaaradda Aftica oo ay Wasaaradda Arimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Talyaaniga nagu casuntay. Waxaa sharaf weyn ii aheyd anigoo matalaya Magaalada Muqdisho in aan ka hadlo arimaha aminga, nabadgelyada & magaalo-uguurista (Urbanization) oo sii kordheysa.  Waxaan u mahadcelinayaa Safiir Cabdiraxman Sh. Ciise & teamka Safaaraddeena oo si diiran inoo soodhaweeyay”