SAWIRO: Guddoomiye Thaabit oo ku guuleystay in dib loo furo waddo sababo amni u xirneyd

0

Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay talaabada geesinimada leh ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Maxamed uu ku furay waddo muhiim ah oo isku xirta Isgoyska Shaqaalaha iyo KPP, taasoo in muddo ah u xirneyd sababo amni.

Waxaa la rajeynayaa in maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda amniga ay furaan wadooyinka kale muhiim ah oo u xiran sababo amni.

Wadadan oo ah laami ayaa u xirneyd Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, gaar ahaan dhanka dhismaha Guriga Shaqaalaha ee hadda noqotay xarunta Baasaboorada laga bixiyo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wadadan ay halbowle u tahay isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa tagay wadada xirneyd, waxayna halkaas kaga dhawaaqeen in wixii hada ka dambeeya ay furan tahay wadada.

Muhiimada maritaanka Wadadaan ayaa waxay tahay iney fududeyso mashquulka ka taagan Wadooyinka Gobolka Banaadir ay ku qabaan Gaadiidleyda.

Wadadaan ayaa waxaa dib u dayactir ku sameeyay oo lagu xusuustaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.