SAWIRO: Maxaa saakay ka cusub shir maamul Goboleedyada ee ka socda Kismaayo?

0

Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa xalay ka furmay shirka Maamul goboleedyada, kaasi oo maalmihii dambe ay qaban qaabadiisa socotay.

Shirkan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacayaa Guriga Martida ee Jubbaland, sida uu sheegayo Wariyaha warbaahinta Risaala ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shirkan furay, waxaana goob joog ka ah Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), kan koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo kan Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo xubno kale oo ka socda maamul goboleedyada.

Saraakiil ka tirsan maamul ka Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in shirkan si gaar ah diirada loogu saarayo arrinta la xiriirta khilaafka Khaliijka oo saameyn ku yeelatay xiriirka ka dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Ammaanka magaalada Kismaayo gaar ahaan goobta uu shirka ka furmay ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn ee Kismayo lagu rakayaa Ciidamo dheeeraad ah oo hubeysan.

Madaxweynaha maamulka Jubba Land Axmed Madoobe oo furay shirka ayaa sheegay in shirka uusan shar u ahayn midnimada Soomaaliya,islamarkaana lagu toosinayo masiirka Ummadda Soomaaliyeed.