SAWIRO: Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday 2 Eedaysane

0

Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  ayaa loo heystaa in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay ka wada tirsanaayeen  Ciidamada Amniga  dilkaasi oo ka dhacay dugsiga taba-barka  Jen. Shirbow 30-ka bishii sideedaad ee sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa fadhiga Maxkamadda hor keenay Afar markaati oo dhammaantood isku raacay in Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble  Oday Daalay uu si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed kadib markii uu isku dayay in uu carqaladeeyo shaqo amni uu haayay Marxuumka isla markaasna uu isku dayay in uu baxsado balse ay ciidamada oo ka tir badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku  geystay looga qaaday.

Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale ayaa isagana loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Xooga Dalka, dilkaasi oo ka dhacay xerada Laanta-buure 27-ka bishii todobaad ee sanadkan.

Laba markaati,  Warqadda dhimashada,  sawrika marxuumka iyo qorigiis uu dilka ku geystay ayay ku soo bandhigeen xeer ilaalinta, waxa ayna markaatiyaasha  oo ay kawada tirsanaayeen ciidanka xoogga dalka ee isku goobta ay yihiin cadeyn in  si jees-jees ah uu u dilay Marxuumka halka dhanka qareenada ay ku doodeen in laga qaado diyo maadaama ay wada kaftamayeen  marxuumka sidaasna ay sababtay dhimashadiisa.

Garsoorayaasha ayaa si wada jir ah ugu xukumay dil Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)   &  Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale  kadib markii ay ku qanceen cadeymaha labada kiis ee Maxkamadda la hor keenay.

Xukunsanayaasha ayaa heysta Fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.