SAWIRO: RW Ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay Xuska maalinta dhalinyarada Aduunka

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda aduunka oo sanad walba la qabto 12-ka bisha Ogoosto oo ku beegan maanta. Waxaana soo qaban qaabiyay kulan kan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qayb galeen Xil-dhibaano, Xubno ka socday Hay’addaha Qaramada midoobay iyo Ururada dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Soomaaliya Xil- Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa u hambalyaysay dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed,waxayna sheegtay in ay diyaariyeen qorsho yaal cad-cad oo lagu horumarinayo aayaha iyo mustaqbalka dhalinyaradda, kuwaa soo rajadooda dib usoo celinaysa, sidoo kalena waxay tilmaamtay in ay markii koowaad sameeyeen siyaasad lagu hagayo dhalinyaradda, taasoo u sahalysa ka mid noqoshada iyo matalaadda door walba oo ay tahay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inu si wayn ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka xafladan lagu maamuusayo maalinta dhalinyaradda aduunka oo qayb ka yihiin dhalinyaradda Soomaaliyeed, taasoo hal ku dhigeedu ahaa “Dhisadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed“ waxuuna hambalyo u diray dhamaan dhalinyaradda caalamka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khadar oo ka sheekeeyay awoodaha ay dhalinyaradu leeyihiin ayaa yiri “Ma jiro wadan horumar gaari kara hadii uusan helin cududda uu baahan yahay, dhalinyaradda Soomaaliyeedna waa awoodda kali ah ee dalkeenu uu ku faano, sidaas owgeed waa in dhalintu ay dareemaan in ay yihiin madaxdii maanta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomalaiya .

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa balan qaaday in xukuumaddu ay ka shaqeynayso dhiirigalinta dhalinta, kor uqaadida Mustaqbalkooda iyo in loo sameeyo shaqo abuur dhalinyaradda, waxuuna u soo jeediyay Soomaaliyeed in ay mideyaan fikradahoodda wanaagsan.