SAWIRO: Shirkadda DP World oo lagu heysto muwaadin Koronto ku dishay Dekadda Ber-bera

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Berbera ee Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah Muruq maalatada Dekadda Berbera uu geeriyooday kadib markii  ay Koronto qabsatay.

Marxuumkaan oo lagu Magacaabi jiray Jaamac Ismaaciil Cali,ayaa in mudo ah ka Shaqeynayay Dekadda Magaalada Berbera waxaana la sheegay in sikedis ah ay Koronto ku qabsatay islamarkaana uu u geeriyooday.

Qaar ka mid ah muruq-maalatada Dekadda oo saakay arkay Meydka ayaa aad uga naxay,waxaana Masuuliyiinta Shirkadda DP World oo maamusha Dekadda Berbera lagu wargeliyay in ay bixiso Diyadiisa.

Meydka Marxuumka ayaa maanta lagu aasay magaalada Ber bera,iyadoo xoogsatada magaalada loogu baaqay iney iska ilaaliyaan Korontada.