SAWIRO: Warar dheeraad ah oo laga helay Qasaaraha Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan Qarax gaari loo adeegsaday oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo xooganaa ayaa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho wuxuuna sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay Qaraxan in ay ku dhinteen ilaa Saddex Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Shan Qof oo kale, in kastoo khasaaraha intaasi uu ka badan karo.

Qaraxa ayaa markii uu dhacay waxaa wadada Maka Al-mukarama mar qura laga maqlay rasaas fara badan oo ay rideen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan oo goobta ka akdhowaa.

Saraakiisha Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa sheegay halkaasi in ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si halkaasi ay uga soo qaadaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi, oo ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu danbeeyay adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho iyagoo baaraya gaadiidka iyo dadweynaha magaalada.