Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Dhallinyaradii laga soo daayay Hindiya

0

Axamed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wuxuu maanta magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay dhallinyaradii laga soo daayay Xabsiyo ku yaalla dalka India.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ku qaabilay Maxaabiis gaareysa 80 ka mid ah dhallinyaro dhawaan laga soo daayay dalka Hindiya.

Maxaabiistaas waxaa ay ahaayeen 117 Qof,80 ka mid ah waxaa ay ka soo jeedeen Maamulka Galmudug halka kuwo kale ay ka soo kala jeedaan Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug.

Xaaf,waxaa uu dhallinyarada uu maanta ku qabailay Dhuusamareeb soo dhaweyn kaddib u sheegay in ay qortaan warqado muujinaya xirfadaha ay leeyihiin si fursado shaqo loogu abuuro.

Dhallinyarada Soomaalida ah ee ku xirnaa Hindiya waxaa ay gaarayeen 120 Qof,3 ka mid ah ayaa ku dhintay xabsiyada Dalka Hindiya,halka 117 kale dalka dib loogu soo celiyay.

Wxaa ay ku eedeysnaayeen Burcad Badeednimo,waxaana ay dhamaantooda dhameysteen xukun Maxkamadeed u dhaxeeyay 6-7 Sano oo ay ku rideen Maxkmaadaha dalka Hindiya.