Sawirro Naxdin Leh: Hoobiyeyaashii Ku dhacay Muqdisho oo Qoys ku le’deen

0

Warar kale ayaa soo kordhay Duqeyn maanta duhurnimadii ka dhacday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho waxaana soo baxaya in khasaaro shacabka kasoo gaartay.

Labo ka mid ah Hoobiyeyaasha waxay ku dhaceen Agagaarka Guriga Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ka deggan yahay Xaafada 15 May Degmada Wardhiigleey oo loo bixiyey Warta Nabada.

Labo carruur ah oo wada dhashay ayaa ku dhintay Madaafiicdaasi markii gurigooda ku habsadeen waxaana ku dhawacmay hooyadii dhashay iyo qof kale.

Lama oga ilaa hadda meesha lala damacsanaa Madaafiicda balse waxaa loo maleenayaa in lagu tuurayey dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya oo maanta Xil wareejin ka socotay.

Sawiro laga soo qaaday Gurigaasi ayaa waxa ay muujinayeen Naxdin taasi oo dadka qaar ay sheegeen in dad badan ay ka calool xumaadeen dhibta gaartay qoyskaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here