Sawirro: Qaraxii Galabta ka dhacay Agagaarka Hotel-ka Weheliye ee Muqdisho

0

Qarax ay ku dhinteen in ka badan 10 qof ayaa wuxuu Galabta ka dhacay Afaafka hore ee Hotel Weheliye Muqdisho, halkaas oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen Tiro dad ah.

Inta la xaqiijiyay 11 qof oo Shacab u badan ayaa ku dhintay Qaraxaas oo ka dhacay goob ay ku yaalliin Xarumo Ganacsi oo waaweyn, Maqaayado Shaaha laga Cabo oo dadku soo Buuxiyaan, xarumo Timaha lagu jarto iyo Hoteello.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo ay ka mid yihiin, Miina Baarka iyo Booliska, Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah ayaa gaaray goobta, waxaana halkaas laga qaaday dhaawacyada ku dhowaad 19 qof oo Shacab ah.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya Burbur xooggan oo ka dhashay weerarkaas.