Sawirro: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay KormeerayXarumaha Amniga ee degamada Heliwaa

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay waqti dambe Kormeer amni ku tagay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Benaadir.

Kormaarka Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Qaar ka tirsan Guddoomiyeryaasha Degmooyinka oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha degmada Hilliwaa iyo Saraakiil kale oo Ciidan.

Kahor inta uusan Ra’iisul Wasaaraha bilaabin kormeerkiisa ayaa waxaa Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka lagu daadiyay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada iyo wadooyinka waa weyn, kuwaasi oo ammaanka xaqiijinayay inta uu kormeerka socday, si aysan u dhicin arbushaad.

Kormeerka ayaa ahaa mid uu Ra’iisul Wasaaruhu ka baaqday Habeen hore, keddib markii uu u baaqday shirar ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Arrimo siyaasadeed oo dalka ka taagnaa.