Sawirro: Shirka Rubac Sanadka ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo maanta Furmay

0

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Adan Koofi iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Cameey ayaa maanta magalada Garoowe ka furay Shirka 3-dii Biloodba ay mar qabato hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka ayaa sheegay in uu Billow yahay Shirkan oo 3dii Biloodba mar lagu qaban doono xarunta ay Hey’addu ku leedahay Magaalo ka mid ah kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in Garoowe ay Nasiib u heshay in shirkaas marka koobaad lagu qabto, iyadoo shirka qeybihiisa kalena ay ka dhici doonaan magaalooyin kale.

Cabdixakiin Cumar Cameey ayaa dhankiisa ammaanay howsha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadd, waxayna mas’uuliyiintu Furitaanka shirka maanta ka sheegeen in uu yahay mid la iskula xisaabtamayo.

Waxaa shirka joogay xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta Xafiisyada ay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ku leeyihiin Degmooyinka dowlad Goboleedyada.