Sawirro: Wasiirka Caddaaladda oo Xarigga ka jaray Xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

0

Wasiirka Caddaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu maanta Xarigga ka jaray Xarunta Ciidanka Asluubta, halkaas oo muddooyinkii dambe uu ka socday Dayactir.

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa waxay wadajir Xarigga uga jareen Xarunta Ciidanka Asluubta, halkaas oo dayactirkeeda la dhammeystiray dhowaan.

Xarunta Ciidanka Asluubta ayaa ku taalla Waddada isku Xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ay aheyd muddo mid Burbur xooggan uu ka muuqday.

Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Taliska Ciidanka Asluubta ayaa ka qeyb galay munaasabadda Xarigga looga jararyay xaruntaas.