Sawirro: Wasiirka Dastuurka oo ka degay magaalada Baydhaba

0

Wasiirka Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa wuxuu maanta ka degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa la kulmi doona, dadka Magaalada Baydhabo iyo maamulka Koofur Galbeed, waxayna ka wadahadlayaan Arrimaha Dastuurka Qabyada ah ee dalka.

Ujeedka safarka Wasiir Xoosh uu ku tagay Magaalada Baydhabo, ayaa wuxuu la xiriira qorshaha dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo muddooyinkii dambe Wasaaradda ay kala tashaneysay shacabka ku nool dowlad Goboledyada.

Isaga iyo Wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhaba, halkaas waxay inta ay joogaan dadka deegaanka ka tala gelin doonaan Dastuurka dalka.